Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan Muqdisho uga socda Gudoomiye Mursal, Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo Guddoomiyaha Ku-xigeenka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya C/wali Muudey ayaa xarunta Madasha Xisbiyada Qaran kulan kula leh Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan Guddoomiyaha Madasha Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh.

Saddexda masuul ayaa ka wada hadlaya xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkan ahaa mowduuca ugu xasaasisan ee Siyaasadda Somalia.

Labada dhinac ayaa horey u yeeshay kulamo badan oo aaney ka soo bixin wax natiijo ah oo la taaban karo, waxaana Gudoomiye Mursal la sheegayaa inuu ergo ka yahay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo arintan ay ku soo aadeyso xili maanta ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dibed baxyo looga soo horjeeday Madaxweynaha laguna dalbanayey in la qabto doorashooyinka xiligii loogu talo galay.

Banaanbaxaas ayaa waxaa la aaminsan yahay iney soo abaabuleen dad taageersan Madaxweynayaashii hore, waxaana ka hortagay ciidamada amaanka DF oo kala eryey dadkii isku soo baxay, qaarkoodna eryey.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo magacaabay Guddi farsamo oo ka taageera arimaha Doorashooyinka

Cabdi Cade

Xukuumada Soomaaliya oo joojisay arrin muddo badan lagu dhaliili jiray

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay tahay xarunta casriga ah ee uu xariga ka jaray RW Ku-Xigeenka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---