Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta xariga ka jaray xarumo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay.
Dhismahan cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa waxaa hirgeliyay Dowladda Qatar.
Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xarigga ka jaray xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.
Ra’isal Wasaare ku-xigeenka JFS ayaa sheegay in talaabada lagu howlgaliyay nidaamka bixiya digniinta halis-wadareedka ay tahay guul u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed
Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in hirgalinta xaruntan ay wax weyn ka tareyso yareynta saameynta musiibooyinka ku yeeshaan goballada iyo degmooyinka dalka.
“In aan manta yeelanno xarun sii odorosta saadaalna ka bixisa halisyada soo fool leh waxey ku tusineysaa soo kabashada qaranka, manta halkii aan xogta cimiladeenna ka sugi lahayn meelo kale waxaay Dowladda Soomaaliyeed awoodeysaa in ay xoojiso u diyaar garoowgeeda halisyada yimaadda taasoo yareyneyso saameynta taban ee musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinkeenna” ayuu yir Md Mahdi Maxmed Guuleed, Ra’isal Wasaare kuxigeenka JMFS.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii loo hirgalin lahaa xaruntan si loo yareeyo musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca sida fatahaadaha abaaraha iyo dabeylaha.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaarisay hab-dhismeedka xarunta, shaqaalaha ka howl-gali lahaa iyo khubaro tababarro joogta ah siiya shaqaalaha xarunta.
Md Xamsa Saciid Xamsa waxa uu sheegay in xogta la xiriirta dhammaan halis-wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado iyo ururro aan dowli ahayn ay hadda wixi ka dambeeya laga heli doono xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.
“Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub oo la helay, hase yeeshee waxey tallaabo loo qaaday xoojinta madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliy. Annaga oo adeegsaneyna xurntaan, waxaan awood u yeelan doonnaa in innaga gacanta ku heyno xogto cimilada iyo macluumaadka la xiriiro ee dalka.” Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Sameynta xaruntan ay ka mid tahay guulaha sii xoojinaya madax bannaanida Soomaaliya si la mid ah soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer ka dib ku soo noqotay gacanta Dowladda Soomaaliya.
Xarunta maanta la daahfuray ayaa ka shaqeyn doonta sadaasha iyo la socodka halis wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado raacsan Qaramada Midoobay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com