Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia: Dad badan oo ka bogsaday COVID-19 iyo qaar kale oo u geeriyooday

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 21 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 973.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 16, Puntland 5, Gobolka Banaadir 1, iyo Jubbaland 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2, 961.

Bukaannada cusub 22 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay 2 bukaan ayaa u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 92 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wado si qurux badan looga dhisay Muqdisho oo xariga laga jaray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka shaqeenaya Fashilinta shirka Golaha Wadatashiga ee ka socda Muqdisho

Cabdi Cade

Xildhibaan Mahad Salaad oo talo & dardaaran siiyey lamaaanihii dartood loo dilay Axmed dowlo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---