Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaweyne Qoor-qoor oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Guriceel (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafdi uu horkacayo ayaa si aan caadi aheyn oo milgo iyo sharaf leh loogu soo dhaweeyey Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa; Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamanka Galmudug iyo xubno ka mid ah Gollaha wasiiradda GM.

Dadweyne fara badan ayaa soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha u soo baxay, iyagoo sitay boorar lagu qoray ereyo soo dhoweyn iyo sawirada Madaxweynaha

Madaxweyne Qoor Qoor oo khudbad u jeediyey dadweynaha isku soo baxay ku ammaan kala dul dhacay Shacabka reer Guriceel.

“Guriceel waxaa la iigu soo dhaweeyay si aan la iigu soo dhaweyn meelihii kale ee aan tagay, Waxaana dhihi karaa Guriceel waa magaaladda Ganacsiga Galmudug, Sidoo kalena waa halbowlaha bulshada reer Galmudug” ayuu yiri madaxweyne Qoor-qoor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Taalada Eiffel oo lagu wareejinayo Xeyndaab muraayad ka samaysan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirka Waxbarashada Somaliya oo dhagax dhigay iskuulkii sare ee degmada Howlwadaag(Daawo Sawirada)

admin

DFS oo looga digay in Khudbosiro ka dhigto wadahadallo ay la galayso Itoobiya iyo Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---