Allbanaadir.com
NEWS

Abiy Axmed” Dagaal Magaalo waxa uu yahay waa naqaan iyo sida guusha looga gaaro”

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale si adag uga hadlay rabshadihii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Adis Ababa iyo magaalooyin kale , waxa uuna sheegay in hada xaalada degan tahay ciidamadana qabteen shaqo adag.

Waxa uu sheegay Abiy Axmed in rabshadihii ka dhacay deegaanka Oromada in ay soo maleegeen cadowga Itoobiya, waxa uuna xusay in hada soo afjareen inta badan rabshadihii socday gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglayaal.

Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen kooxdii ka dambeesay dilka fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundeesaa, waxa uuna xusay in hada u harsan yihiin sidii loo soo qaban lahaa kuwii soo abaabulay dilkaasi.

“Shaqsiyaadki dilka iney geesteen looga shakiyey waa la hayaa waxaana dilkaasi lugu ku leh shaqsiyaad qaab dhismeedka dowliga ku jira, aragtiyada naceybka xambaarsan ee ku saleysan qowmiyad ama siyaasad dalka Itoobiya wixi hadda ka dambeeya boos ugama bannaana, xoogagga doonayey iney dalka Itoobiya dhiig ku daadiyaanna waxaan u sheegayaa iney riyadoodaasi marnaba rumoobeynin” ayuu yiri Abiy Axmed.

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaana sheegay in dagaal magaalo waxa uu yahay iyo sida guusha looga gaaro ay yaqaanaan, waxa uuna cadeeyay kooxo uu sheegay in Facebooka ka riyoonayaan aysan marnaba riyadooda u rumoobi doonin.

‘”Xoogagga magac qabiil ama siyaasad ku soo gabbanaya ee aan aan dagaal waxa uu yahay oo doonaya iney dagaal magaalo waxa uu yahay ay na baraan waxaan ku qasbanahay inaan tusno dagaal magaalo waxa uu yahay iyo sida guusha looga gaaro, xoogagga doonaya iney facebooka ka riyoodaanna waxaan u sheegeynaa iney marnaba riyadoodaasi u rumoobeyn.”ayuu yiri Ra’isul Wasaare Abiy.

Abiy Axmed ayaa sheegay dambiilayaasha gacanta dowlada hada ku jira in si deg deg ah loo horgeyn doono cadaalada si buu yiri loo marsiiyo mudankooda iyo waxii ay faleen, waxa uuna ku goodiyay in talaabo adag laga qaadi doono dad uu ku tilmaamay qaswadayaal.

“Sida dowladihi hore dadka aan xirno ama aan soo qabanno ciddiyaha kama siibeyno, guri mugdi ahna kuma xireyno, si aan wax u sheegsiinnana ma garaaceyno, si sharci ah oo sharciga waafaqsan oo keli ah ayaan kula xisaabtameynaa mudankoodana ku marineynaa” ayuu yiri Abiy.

Hadaladalan kulul ee kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa kusoo aadaya xili dalka Itoobiya maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen rabshado xoogan oo galaaftay nolosha dad ku dhaw 100-qof .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

K/Galbeed oo shaacisay Musharaxiinta lix kursi iyo Shariif Xasan oo meesha laga saaray

Caydiid Ali

Maamulka Somaliland oo shacabka uga digay qaraxyo ka dhici doona..

Caydiid Ali

Isbadal ku yimid Muuqaalka Kim Jong Un iyo Walaac laga muujiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade