Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo soo banidhgtay ciidamo & hub loo diyaariyey sugida aminga Muqdisho (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre, Wasiir Ku-xigeenka amniga Taliyeyaasha NISA iyo Asluubta iyo Duqa Muqdisho ayaa galinkii dambe ee maanta waxay kormeer ku tageen Xarunta dhexe ee Xisbiga halkaasoo lagu soo bandhigay Ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay Sugida amniga Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la sheegay in loo soo xulay xasilinta amaanka Muqdisho, si looga hortago falalka amnidarro ee mararka qaar ka dhaca degmooyinka magaalada, iyadoo ay fooda nagu soo heyso bisha Ramadaan.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/naasir Saciid Muuse ayaa kahadlay qorshaha xukuumada ee Ciidamadan Xasilinta caasimada loo diyaariyay. waxaana uu sheegay in hay’addaha amnigu ay ka shaqeeyeen diyaarinta Ciidamadan oo xaqiijin doona amniga Muqdisho iyo deegannada ku dhaw dhaw.

Ra”isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la hadlay Ciidamada,waxaana uu ku baraarujiyey inay mas’uuliyad iska saaraan Sugida Amniga Muqdisho, ayna shacabkooda ka difaacaan kooxo uu ugu yeeray cadow nabadiid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaha TPLF: “Addis-Ababa inaan maamulno uma tagayno, Waxaan diyaar u nahay..

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Gaas oo qaaday talaabo ay soo dhoweeyeen shacabka Gaalkacyo

Caydiid Ali

Shirka Golaha Wadatashiga oo fashil qarka u saaran iyo Axmed Madoobe oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---