Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa si adag uga hadlay rabshadihii maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Adis Ababa iyo magaalooyin kale oo kuyaala Itoobiya ,kuwaa oo sababay dhimashada dad ku dhaw 100-qof .
Abiy oo kulan gaar ah Adis Ababa kula qaatay saraakiisha amaanka iyo masuuliyiin kale ayaa sheegay in banaan baxyadii rabshadaha watay ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Itoobiya ahaayeen shirqoolo la doonayay in dagaal sukeeye looga abuuro Itoobiya.
Waxa uu xusay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya in la fashiliyay qorshaha la doonayay in dalka Itoobiya lagu galiyo khalalaase loogana abuuro colaad sukeeye, waxa uuna bogaadiyay saraakiisha iyo ciidamada amaanka.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in abaabulayaasha rabshadaha gil gilay Itoobiya gacanta lagu dhigay, waxa uuna sheegay in cid kasta oo dhibaato geesata ay mari doonto ciqaabta ay leedahay.
Rabshadihii ka socday magaalada Adis Ababa iyo magaalooyin kale sadexdii maalin ee lasoo dhaafay ayaa galaaftay nolosha dad gaaraya 87-qof sida uu shaaciyay Telefishinka dowlada Itoobiya, waxaana dadka la dilay ku jira afar sargaal oo katirsan booliiska.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com