Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa baajiyey safarkii maanta Raisul Wasaare Khayre ku tegi lahaa degmada Hobyo?

Raisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Somalia Xasan Cali khayre iyo wafdi hogaaminayo ayaa ka baaqday safar lagu waday maanta iney ku tagaan degmaga Hobyo ee gobolka Mudug.

Ujeedada safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa la sheegay iney aheyd inuu  kormeero dhismaha dekeda Hobyo iyo Mashaariic kale oo degmadaas laga fulinayo.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay allbanaadir.com ayaa sheegaya in baaqashada safarka Raisul Wasaare khayre ay timid ka dib markii odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada dhexe ay ku cadaadiyeen inuusan Hobyo keligeed tegin uuna sidoo kale booqdo magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Sida wararku sheegayaan Raisul Wasaaraha oo markii hore qorshihiisu ahaa inuu booqasho maalin ah ku tago Hobyo ayaa baajiyey safarkiiisa, maadaama uusan qorshaha ugu jirin inuu booqdo meelo ka baxsan Hobyo.

Lama oga in safarkii Raisul wasaaraha  la kansalay iyo in xili kale loo qorsheeyey, balse waxaa socda xiriiro ay leeyihiin madaxda Galmudug iyo Masuuliyiinta xafiiska raisul Wasaaraha kuwaasoo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabada soo shaac baxday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Odawaa oo la sheegay in uu dhax joogo tobaneeyo wiil oo tolkiisa ah ay gaajo…

Cabdi Cade

Ciidamo katirsan Ilaalada Madaxtooyada oo tababar loo soo xiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Labo qof oo talaalka cusub ee Coronavirus ugu dhintay dal ka tirsan Yurub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---