Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada Caafimaadka DF oo sheegtay bukaano cusub oo laga helay COVID-19

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 20 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 952.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 14 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 10, Banaadir 3, iyo Jubbaland 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2, 938.

Bukaannada cusub 12 ka mid ah waa rag 2-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Xafiiskiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Soddoga Madaxweyne Laftagareen iyo Xubno kale oo Xildhibaano loo doortay (Sawirro)

Cabdi Cade

Magaalo kutaala Israa’il oo xaalad deg deg ah lagu soo rogay kadib cabsi kusoo korortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---