Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya oo war ka soo saartay sababta loo xiray Jawar Mohamed

Dowlada Itoobiya ayaa xaqiijisay inay xirtay siyaasiga hoggaamiya mucaaradka ee Jawar Mohamed, tallaabadaasoo sii holcin karta xiisadda qowmiyadeed ee toddobaadkan horseeday in dad dhowr ah ay ku dhintaan gobolka Oromia.

Sida uu sheegay madax booliska federaalka Endeshaw Tassew, Jawar oo ahaan jiray milkiile warbaahineed oo dhowaan ku biiray xisbiga mucaaradka ee Oromo Federalist Congress, ayaa shalay isaga iyo 34 qof oo kale lagu xiray magaalada Addis Ababa.

Xariga ayaa yimid intii uu socday iska horimaad dhex-maray Jawar iyo ciidamada ammaanka oo la xiriiray meydka Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan Oromo ah oo habeenkii Isniinta la dilay, kaasoo dhaliyay dibad-baxyo xooggan.

Endeshaw ayaa sheegay in meydka Hachalu loo waday magaalada uu kasoo jeedo ee Ambo, si loogu aaso, islamarkaana Jawar iyo taageerayaashiisa ay is-hortaageen ayna isku dayeen inay ku celiyaan Addis-Ababa, kadibna uu xigay isku dhaca.

“Waxaa isku dhac uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo dad kale, waxaana halkaas ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka Oromia,” ayuu Endeshaw ku yiri bayaan uu soo saaray.

“35 qof oo uu ku jiro Jawar Mohammed ayaa la xiray. Ciidamada ammaanka waxay qabteen 8 qori oo Kalashnikov ah, shan bastoolad iyo sagaal raadiyaha codka gudbiya ah, kuwaas oo ku jiray baabuurka Jawar Mohammed,” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Ciidamada Midowga Yurub oo tababar casri ah u soo xiray Saraakiil ka tirsan Xooga dalka Somalia

Caydiid Ali

Mucaaradka Farmaajo oo Hub aruursi ka bilaabay Muqdisho iyo Hal Sabab oo keentay !

Cabdi Cade

Galmudug oo iska diiday Qorshe ay wateen maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---