Allbanaadir.com
NEWS

Ilmo ku dhashay wadnihiisa oo banaanka yaalla & Qaliin lagu sameeyey (Daawo Sawirro)

Dhaqaatiirta Isbitaal ku yaalla wadanka Britain ayaa qaliin adag ku sameeyey ilmo dhashay wadnihiisa oo banaanka yaalla.

Ilmahan oo gabar ah ayaa ku dhashay xaalad naadir ah oo afka qalaad lagu yiraahdo (Ectopia cordis) sida dhaqaatiirtu sheegeen.

Lamaanaha dhalay caruurtan ayaa lagu wargeliyey in ilmahoodu wadnihiisu banaanka yaallo markii ay uurka ku jireen 16 todoobaad ka dib markii lagu eegay qalabka Scanka.

Waalidiinta ayaa markii ay ogaadeen xaalada gabadhooda lagula taliyey iney iska soo xaaqaan hase ahaatee wey iska daayeen.

Gabadhan yar oo waalidkeed ula baxeen Vanellope ayaa martay 3 qaliin iyadoo lagu guuleystay in wadnaheeda dib loogu celiyo gudaha, waxaana u dhiman qaliino kale, iyadoo dhaqaatiirtu sheegeen in qaliinkan uu yahay kii ugu horeeyey noociisa ee lagu guuleysto gudaha wadanka Britain.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin ku eedeysan dilka Hooyo iyo Carruurteeda oo maxkamad ciidamada lasoo taagay

Cabdi Cade

Sidee Madaxweyne Farmaajo & wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo & Muuse Biixi oo ka tacsiyadeeyey oday dhaqameed caan ah oo geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---