Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo loogu deeqay lacag dhan $40 milyan iyo Xog ku aadan sida loo maareynayo

Bankiga aduunka ayaa ansixiyay 40 Milyan oo doolar oo lagu taageerayo Beeralayda iyo Xoola dhaqatada Soomaaliyeed ee uu sameeyay Ayaxa.

Lacagtan oo qeyb ka ah mashruuc balaaran oo Bankiga aduunku ku taageerayo wadamada Afrika iyo Bariga dhexe ee uu sameeyay Ayaxa ayaa la soo marinaya hey’addaha horumarinta caalamiga ah.

Kacaanka Ayaxa Soomaaliya waxa uu saameeyay 2.6 milyan oo qof i oo ku nool 43 degmo oo ka mid ah gobolada Soomaaliya. Beeralayda Soomaaliya waa lafdhabarta dhaqaalaha ku tiirsan yahay 75%

“Ayaxu waxaa uu baabi’iyay dalagyadii beeraha, waxaa abuuray xaalad bani aadamnimo, waxa uu sababay yaraashada cunada la heli karo, waxaa uu dhaliyay oo hoos u dhac dhaqaale’’ sidaas waxaa yiri Agaasimaha Bangiga aduunka ee Soomaaliya Felipo Jeremilo.

Agaasimaha Bangiga aduunka ee Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ay taageerayaan Soomaaliya iyadoo loo marayo mashruuca baxnaana ee taageerida danyarta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maamulka sare Bangiga aduunka mahad celiyay ansixinta 40 milyan ee doolar oo lagu taageerayo ka jawaabida saameynta Ayaxa ee nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku tiirsanaa dalagyada beeraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil Ajaaniib ah oo baaraya dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyaha Sirdoonka Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo bogaadisay Bandhig cajiib ah ay sameeyeen Qareenada Difaacayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---