Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaafiic caawa lagu weeraray garoonka Stadium Muqdisho oo galabta dib loo furay

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa caawa lagu weeraray garoonka Kubada cagta ee Stadium Muqdisho oo galabta dib loo furay.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr hoobiye ay ku soo dhaceen caawa nawaaxiga garoonka wax yar ka dib markii ay dhamaatay ciyaar kubada cagta ah oo lagu furay garoonka taasoo dhexmartay kooxaha Horseed iyo Muqdisho.

Weli lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay madaaiicda lagu weeraray garoonka oo xiligaas ay joogeen dad kooban iyo ciidamo ka tirsan DF.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta xariga ka jaray garoonka oo mudooyinkan dayactir iyo dib u dhis xooggan uu ka socday, mana joogin madaxweynaha xiliga ay madaafiicdu soo dhaceysay oo ku beegneyd caawa fiidnimadii.

Laamaha amaanka Df ayaan wax war ah ka soo saarin madaafiicda lagu weeraray garoonka Kubada cagta ee Stadium Muqdisho oo la rumeysan yahay iney ka dambeeyeen Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta ciidamada DF iyo kuwa shisheeye ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah dalalka islaamka oo Maanta u dabaaldegay maalinta 1aad ee Ciidul-adxaa

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe iyo danjiraha Maraykanka oo ka wada hadlay qodobo xasaasi ah

Caydiid Ali

Dagaalkii Armenia & Azerbaijan oo meel xun maraya & Maraykanka oo soo fara geliyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---