Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyay Naciimo Abwaan Qorane

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis Madaxweyne u fidiyay Naciima Abwaan Qorane oo ku xirneyd Xabsiga magaalada Gabiley.

Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa horey sadex sano oo xabsi ah waxa ay ku riday Naciimo Abwaan Qorane oo lagu eedeeyay in ay u geftay qaranimada maamulka Somaliland.

Aabaha dhalay Naciima ayaa ka codsaday Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi in gabdhiisa cafis u fidiyo, waxa uuna sheegay in xabsiga ku dhax xanuunsatay Naciima dhoorkii bilood ay ku xirneyd.

Xariga Naciima Abwaan Qorane ayaa si weyn loo cambaareeyay, waxaana gabadhan maamulka Somaliland u xireen uguna tacadiyeen aragtideeda ay aaminsan tahay ee Soomaaliweyn

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan muhiim ah la qaatay Chen Wendi

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Aqoonyahanno ku howlan Cilmibaaris muhiim ah

Cabdi Cade

Booliiska Muqdisho oo War ka soo saaray Mamnuucida indha-shareerka & cimaamadaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---