Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Madaxweyne Qoor-qoor oo si diiran loogu soo dhoweeyey Caabudwaaq

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafdi Ballaarran uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn heersare ah loogu sameeyey Degmada Cabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, xubno ka tirsan golleyaasha xukuumadda, maamulka degmada iyo ururada bulshada ayaa si wacan u soo dhaweeyey.

Khudbad kooban oo u jeediyey dadweyne isku soo baxay ayuu Madaxweynaha Galmudug kaga mahad celiyey sida diiran ee loogu soo dhoweeyey Caabudwaaq.

Qoor-qoor ayaa inta uu joogo magaalada Caabudwaaq waxaa uu kulamo la yeelan doonnaa masuuliyiinta maamulka iyo qeybaha bulshada degmada Caabudwaaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sacuudiga & Iran oo wadajir u sameynaya dhoolatus ciidan

Caydiid Ali

Madaxweyne Mustafe oo ka digay arrin halis ah oo ku soo wajahan degaanka Soomaalida

Caydiid Ali

Siyaasi si adag uga fal celiyay Go’aankii lagu kala diray Guddigii Maaliyada Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---