Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Toos ah oo lagu qaaday Suuqa Sarifka magaalada Karachi (Daawo Sawirada)

Dabley hubeesan ayaa weerar toos ah goordhaw ku qaaday Suuqa sarifka magaalada Karachi ee dalka Pakistan , waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil katirsan booliiska dalka Pakistan ayaa sheegay in dableyda weerarka geesatay oo ku hubeesnaa qoryaha fudud bambaano ku weerareen albaabaka Suuqa laga galo kadibna gudaha suuqa galay kana bilaabay tooasho.

Ciidamada amaanka dalka Pakistan oo si deg deg ah u gaaray Suuqa la weeraray ayaa toogasho ku dilay afar kamid ah dableydii weerarka geesatay, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhintay labo qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa suuqa la weeraray.

Weerarkan lagu qaaday Suuqa sarifka magaalada Karachi waxaa masuuliyadiisa sheegatay kooxda xornima-doonka ee Balochistan ee ka dagaalanta gudaha dalka Pakistan, waxaana weerarkan cambaareeyay madaxda dowlada Pakistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Xasaasi ah oo looga hadlay Muranka Badda Somalia oo ka dhacay Adis Ababa iyo Dowlada oo cadeysay in …

Cabdi Cade

Dadka Qurbaha kunool Maxey ka Faa’iidayaan in dagaal ka dhaco Muqdisho ?

admin

Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soo socda u ambabaxaya safar dibeda ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---