Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo baraha bulshada ka saaray Muuqaal caro badan abuuray

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka dadka kula wadaagay muuqaal muujinaya mid kamid ah taageerayaashiisa oo ku dhawaaqaya “awoodda dadka caddaanka ah”.

Qofkan ayaa waxaa uu kamid ahaa koox ka qeyb qaadaneysay ololaha Trump ee Florida.

Ereyadaas oo loo fasirtay mid madaxwynaha uu ku weyneynayo awoodda caddaanka ayaa timid xilli dalka Mareykanka ay ka taagan tahay xiisad la xiriirta cadaalad darrida ku saleysan midabka.

Trump ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay oo ay kamid yahay in xiisadda midabka ee ka taagan Mareykanka uu doonayo in uu ka faaideysto.

Muuqaalka ayaa waxaa kasoo muuqday dad isaga taageersan iyo kuwa kasoo horjeedo oo hadalo xanaf leh ku dhawaaqaya.

Haseyeeshee Trump ayaa markii dambe muuqaalkaas ka saaray bartiisa Twiter-ka. Afhayeen u hadlay madaxweynaha waxaa uu sheegay in marnaba muuqaalka aanu ka maqlin qof ku dhawaaqaya ereyada la dhibsaday.

Judd Deere oo ah afhayeenka aqalka cad ayaa sheegay “in madaxweynaha uusan maqlin ereyada ku jira muuqaalka, balse ay u muuqatay kalgaceylka taageerayaahsiisa”.

Xoghayaha caafimmaadka iyo adeegga bulshada ee Mareykanka ayaa telefishenka CNN u sheegay in madaxweynaha, maamulkiisa iyo isagaba aanay ku dhaqaaqeynin wax taageeraya kooxaha ay la weyn tahay caddaanimada.

Madaxweyne Trump ayaa horay dhaleeceeyn noocan oo kale ah ula kulmay, kadib markii lagu eedeeyay in uu bartiisa Twitter-ka kala kulmay waxyaaba naceyb ku saleysan.

Sanadkii 2017-ka, waxaa uu sidan oo kale dadka la wadaagay muuqal muujinaya kooxaha midigta fog ee Britain oo ku dhawaaqaya hadalo ay dad badan dhibsdaeen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyihii Degmada Howl Wadaag oo xilka laga qaaday iyo Gudoomiye cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Laftagareen oo guddi u saaray shacabka laga soo masaafuriyey Laascaanood (Akhriso)

Caydiid Ali

Mid kamid ah Ergayda Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu xayiray Garawe

Cabdi Cade