Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Lazarus Chakwera oo loo dhaariyey Madaxweyne ka dib muran doorasho

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Malawi, Lazarus Chakwera, ayaa maanta ah loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Malawi ka dib markii Sabtidii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee ku celiska aheyd ee dalkaasi ka qabsoontay.

“Guushaydu waxa ay guul u tahay dimuqraadiyadda iyo cadaaladda,” ayuu yiri Chakwera oo hadlayay ka dib markii guushiisa lagu dhawaaqay gelinkii danbe ee Sabtidii, taasi oo dhalisay dabaal degyo xalay oo dhan ka dhacayay waddooyinka caasimadda Lilongwe, oo ah halka uu ka soo jeedo.

Tani ayaa ka danbeysay ka dib markii bishii February ee sanadkan ay maxkamadi waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii madaxtinimada ee Malawi ka dhacday bishii May ee sanadkii 2019-kii, taasoo madaxweynaha xilka banneynaya, Peter Mutharika, ku sheegtay guul uu mar labaad dalka ku sii hogaamiyo.

Chakwera, oo 65 jir ah, ayaa helay aqlabiyaddii loo baahnaa, iyadoo guddiga doorashooyinku ay sheegeen inuu helay 58.57% codadkii dadweynaha ee la dhiibtay Talaadadii la soo dhaafay kana guuleystay madaxweyne Mutharika.

Chakwera ayaa ku guuleystay inuu Malawi oo ay ku nool yihiin 18 milyan oo qof uu ka taliyo muddo shan sanadood ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay guusha Milatariga Sudan gaareen

Cabdi Cade

Qoor-qoor ,C/kariin Guuleed & Xaaf oo ka wada hadlay arrimo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---