Allbanaadir.com
NEWS

RW Khayre oo balan-qaad u sameeyey qoysaska askartii ku dhimatay qaraxii iskoolo Buluusiyo

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy ehellada askartii geesiyaasha ahaa ee naftooda ku waayay falkii saakay ruux naftii halige ah uu ku qaaday xarunta Akadeemiyada Booliska ee Jen. Kaahiye.

Wuxuuna Weerarkaas ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha nabadda kasoo horjeeda ku bartilmaameed sadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliska.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehellada askatii shahiiday, waxaana leeyahay allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna waxaan u rajaynayaa inay ka soo kabtaan dhaawacan, Dawladduna xil ayay iska saari doontaa daryeelka kuwa dhaawacmay, waxaa kaloo ay dawladdu damaanad qaadaysaa gacan siinta qoysaska ay ka shihiideen askartu.”ayuu yiri RW Khayre.

Mudane Khayre ayaa xusay in weerarkan uusan marnaba ka weecin doonin dadaalka loogu jiro dib-u-dhiska Soomaaliya xasilloon oo sharcigu sareeyo si dadkeenu nabad iyo cizi ugu noolaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal saakay dhax maray Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maareeye cusub u magacaabay Hay’adda Taya-Dhawrka

Cabdi Cade

QM oo balan-qaad u sameysay dowlada Somalia & James Swan oo War soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---