Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo itoobiyaan ah oo ka baxay gudaha Somalia iyo soo dhaweyn loo sameeyay (Sawirro)

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah qaarkoodna qeyb ka ahaayeen howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa dalkooda dib ugu laabtay kadib mudo ay ka howlgalayeen gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool.

Ciidamada Itoobiyaan ah ee ka baxay Soomaaliya ayaa munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay degmada Doolow Adde ee ismaamulka Soomaalida, waxaana munaasabada ka qeyb galay saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kala duwan.

Waxaa la sheegay in ciidamadan ay dhameesteen howlihii shaqo ee loo keenay gudaha Soomaaliya, waxaana saraakiisha Ciidamada Itoobiya ku amaaneen ciidankan dalkooda kusoo laabtay in shaqo adag soo qabteen.

Itoobiya waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oon laheyn tiradooda saxda ah, ciidamada Itoobiyaanka ee jooga Soomaaliya ayaana isigu jira ciidamo ku howlala magaca AMISOM iyo ciidamo kale oon magacaasi huwaneyn.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Dhuusomareeb iyo Wadahadalo caawa socda

Cabdi Cade

Ikraan Tahliil Hooyadeed oo fariin u dirtay Xassan Shiikh iyo Mahad Salaad

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Xaalada RW Boris Johnson oo la il ildaran cudurka COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---