Waxaa goordhaw qeybo kamid a magaalada Muqdisho ka bilowday banaan bax balaaran oo lagu taageerayo laguna soo dhaweenayo go’aankii Xildhibaanada golaha Shacabka ugu ogolaadeen gobolka Banaair in xubno badan ku yeesho Aqalka sare.
Banaan baxan ka bilowday magaalada Muqdisho waxaa soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb qaadanaya dad u badan haween iyo dhalinyaro oo wata astaanta calanka iyo sawirada Madaxweyne Farmaajo.
Dadka banaan baxa dhigaya ayaa qaarkood isugu tageen taalada Daljirka dahsoon , waxa ay ku dhawaaqayeen banaan baxayaasha ereyo ay ku kusoo dhaweenayeen go’aankii Baarlamaanka ugu codeeyay in Muqdisho aqalka sare ku yeelato 13-Kursi.
Ciidamada amaanka ayaana si weyn u adkeeyay amaanka goobaha ay ka socdaan banaan baxyada, waxaana la xiray qaar kamid ah wadooyinka muhiika ah ee Muqdisho si loo ilaaliyo amaanka dadka banaan baxa dhigaya.
Â
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com