Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray shacabka iyo Madaxda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen dalkeenna xilliyadii adkaa, taas oo garab weyn u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta Soomaaliya.

“Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti hiilka iyo garab istaagga hagar la’aaneed ee aad noo muujiseen gaar ahaan wakhtiyadii adkaa waa mid aan marnaba ilaawi doonin, waa mid shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay idiin ogsoon yihiin”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xusay doorkii ay ku lahaayeen shacabka halgankii xornimo doonka ahaa ee walaalaheen Jabuuti, waxa uuna xoojiyay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

“maanta waxaa farxad noo ah in aan la qeybsanno walalaheen Jabuuti dabbaal-degga xuska sannad guurada 43-aad ee xornimadooda ee kasoo wareegtay markii Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle isku duubni, nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadda Twitter oo hawada ka saareysa Malaayiin cinwaan iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Dooni Xamuul oo siday Gawaari badan oo nuuca Dunida ugu Qaalisan ah oo degtay . 

Cabdi Cade

Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Maaliyada G/Banaadir oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---