Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay isbaaro u dhigtay in ay shiraan Aqalka sare !!

Waxaa saakay baaqday kulan la filayay in ay yeeshaan xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana inta badan xarunta aqalka sare aan soo xaadirin Senetarada Aqalka sare.

Senator Iftin Xasan Baasto oo katirsan Xildhibaanada Aqalka sare ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya isbaaro u dhigatay sidii uusan u furmi laheyn kulamada ay yeelanayaan Xildhibaanada Aqalka sare.

Waxa uu sheegay Senetarka in Madaxweyne Farmaajo ka shaqeenayo sidii loo curyaamin lahaa shaqada Aqalka sare , waxa uuna tilmaamay in Madaxweynaha ku xadgudbayo sharciga iyo dastuurka dalka u yaala.

”Mudane Madaxweyne ka fiirso waxa aad ku dhaqmeyso, sharciga haku xadgudbin dib u dhacna dalka ha u horseedin, Madaxweyne waad fashilantay dalkana waad bur burineysaa ee ka fiirso waxa aad faleyso” ayuu yiri Senator Iftiin Baasto.

Senatarka ayaa sheegay in Madaxtooyada horey u curyaamisay shaqadii Xildhibaanada Aqalka hoose hadana usoo jeesatay sidii loo curyaamin lahaa shaqada Aqalka sare , waxa uuna cadeeyay in ay ka shaqeenayaan sidii kulamada u furmi lahaayeen.

Hadalka Senatorka ayaa kusoo aadaya xili aysan Aqalka sare wali bilaabin kulamadooda  halka aqalka hoose si joogto ah u shiro, waxa ay sidoo kale arimahan imaanayaan xili Gudoomiyaha Aqalka sare kahor yimid xeerarka la horgeeyay Golaha Shacabka oo qaarkood la ansixiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay Gantaalo Balastig ah

Cabdi Cade

Danjiraha Somalia ee Ugandha oo dalab xasaasi ah u gudbiyey dhigiisa Rwanda (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Kormeer ku tagey Dekadaha Tajoro iyo Gubeet (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---