Allbanaadir.com
NEWS

Dilal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan ayaa saakay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen labo askari oo katirsanaa ciidanka minishiibiyada dowlada Hoose ee Xamar, kuwaa oo ku howlanaa canshuur qaadis.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxo biskoolao ku hubeesan si gaadmo ah ku dileen labadan askari oo ku sugnaa agagaarka Masjidka Arshaad ee kuyaala degmada Kaaraan, waxaana dilka kadib goobta isaga baxsaday kooxdii fulisay dilka.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, ciidamada oo ku guul dareestay soo qabashada ragii dilka geestay ayaa halkaasi ka qaaday meydadka labada askari ee la dilay.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan lagu beegsadaa laguna dilaa ciidanka minishiibiyada ee canshuuraha qaada, waxaana ciidankaasi inta badan la dilaaa iyaga oo ku mashquulsan canshuur uruurin iyo howlo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgalka Tababarka Midowga Yurub oo War kasoo saaray Qaraxii Muqdisho

Cabdi Cade

DEG DEG: Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab ka saaray degaanka Wabxo

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyay Caqabadaha dib u dhigay Dalkeena (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---