Allbanaadir.com
NEWS

Dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudan oo heshiis horu dhac ah gaaray iyo Masar oo shaacisay …

Hogaamiyaasha Sudan, Ethiopia iyo Masar ayaa isku raacay in Ethiopia aysan bilaabi doonin buuxinta biyo xireenka ay ka dhistay wabiga Nile, iyadoo aan heshiis la gaarin muddo labo toddobaad gudahood ah, sidaasina waxaa Jimcihii shaaciyey dalalka Sudan iyo Masar.

Ma jiro wax war ah oo arrintan ku aaddan oo si deg deg ah uga soo baxay Addis Ababa, oo iyadu horey u sheegtay in ay bilaabi doonto buuxinta biyo xireenkan weyn ee ay ka dhistay meel 15 km u jirta xadka ay la wadaagto Sudan. Biya xireenkan ayaa laga dhisayaa wabiga Nile ee buluugga ah oo ah isha biyaha ugu badan ee wabiga Nile.

Madaxtooyada Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ethiopia aysan si iskeed ah u buuxin doonin biyo xireenkan, waxaana warkan uu yimid ka gadaal markii hogaamiyaasha sedexdan dal iyo Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, oo ah gudoomiyaha Midowga Afrika ee waqtigan ay yeesheen shir dhexmaray oo u dhacay qaab muuqaal ah.

Ra’isal wasaaraha Sudan, Abdalla Hamdok, ayaa sheegay in hogaamiyaashu ay isla garteen in dib loo bilaabo wadahadalladii hakaday isbuucii hore, sida ay wakaalada wararka ee Sudan ku warameyso.

Wakaaladda ayaa intaa ku dartay in wadahadallo u dhexeeya guddiyo farsamo ay dib u bilaaban doonaan.

Ethiopia ayaa ku adkeysatay in ay ku buuxin doontio biya xireenkan biyaha xilli roobaadka bilaaban doona bisha soo socota, laakin Masar ayaa baaq u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taasi oo ah tallaabadii ugu dambaysay ee diblomaasiyadeed.

15-ka xubnood ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa in ay Isniinta yeeshaan kulan guud, taasi oo uu ku baaqay Mareykanku oo taageeraya dalabka ka yimid dalalka Masar iyo Sudan ee ahaa in Golaha Ammaanku uu soo farageliyo ismariwaaga arrintan ka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wadatashiga Qaranka oo muddo kordhin u sameeyey Xilliga doorashada (Akhriso)

Caydiid Ali

Maamulka SSC Khaatumo oo war ka soo saaray dagaaladii saaka ka dhacay Maraaga

Caydiid Ali

Xogta geerida Mikhail Gorbachev Hoggaamiyihii Soviet-ka ee ugu dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---