Marka la eego miisaanka ay lahaayeen wafuudda Soomaalida, ergadii matalayesay beesha caalamka, iyo weliba halka la dhigay gogosha, dadka Somaaliyeed waxay gelisay rajo ah, in Siyaasiyiinta Soomaalidu gaareen bisayl siyaasadeed oo ay kaga gudbi karaan ismarinwaaga u dhaxeeyey. Balse waxay noqotay “La mood noqonse weyday!”
Haddaba, waa maxay caqabadaha hortaagan wadahadal miro-dhal ah?
Caqabadaas, waxaa lagu soo koobi karaa sadex arrimood: (1) Mowqifyada lagu kala dheggan yahay oo aad u kala fog, iyo isku garawshiyo la’aan; (2) Baqdinta ay siyaasiyiinta ka qabaan shacabka ay matalaan, taasoo adakaysay inay dhinacyada isu tanaasulaan, siiba dhanka Somaliland; iyo (3) faraggelinta taban (dadban) ee shisheeye.
Waxaa jira shax ay dhigteen hoggaamiyaasha Somaliland, taasoo u muuqata inay ku heleen ilaa iyo hadda dhibco dheeraad ah.
Xilligii ay talinayeen Mudane Sheikh Sharif iyo Xassan Sheikh Maxamuud waxay wadahadal la yeesheen Mudane Axmed Siilaanyo oo ahaa Madaxweynaha Maamulka Somaliland. Wadahadallada waxay ka kala dhaceen, Dalka Turkey, Dalka Imaaraadka Carbabta, London, iyo Jabuuti.
Maamulka Axmed Siilaanyo waxuu kula heshiiyay dhinacyadii matalayey Dowladda Federalka Soomaaliya laba qodob: ( 1) Inaan la siyaasadeen kaalmada caalamiga, gargaarka, iyo mashaariicda horumarintaba, iyo ( 2) In maamulka hawada si wadajir ah loo maamulo, dheefta laga helana la wadaago.
Qodobbadani Maamulka Axmed Siilaanyo, waxuu u arkay kuwo muhiim ugu ah dhismaha dhaqaalaha maamulkiisa, iyo mid dhaawacaysa awooda sharci, iyo maamul ay ku fadhido Konfur Soomaaliya, maadaama caalamka ay ka heysato aqoonsi.
Dhanka ergadii matalaysay Muqdisho, waxay guul u arkayeen inay isa soo horfadhiistaan Maamulka Somaliland si ay u dhagaystaan tabashadooda, loona gaaro xal. Balse qodobbada ay kula heshiiyeen Maamulka Axmed Siilaanyo uma aysan baalal rogin Dastuurka, Sharuucda, iyo Xeerarka lagu dhisay Jamhuriyadda Soomaaliya!
Indheergarad badan ayaa rumaysan in Mudane Axmed Siilaanyo ay caawisay khibradda maamul iyo siyaasadda uu lahaa, taasoo ka heer saraysay ergadii ka socotay Muqdisho iyo xasillooni darrada siyaasadeed oo ka jirta konfurta Soomaaliya.
Dhanka kale, Maamulka Somaliland shaxda ay degsadeen waxaa ka mid ah, (B) in ergada matalaysa dowladda Soomaaliya aysan ka mid noqon shaqsiyaad ka soo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland), (T) inay diiwaangeliyaan tacadiyadii Taliska Siyaad Barre uu u gaystay Shacabka Waqooyi xilliyadii ay SNM-ta dagaalka kula jirtay Xukuumaddaas, si loo hanto maanka dhallintii xukunkii Siyaad Barre dabadii dhalatay oo ka ah 75% tirada guud ee dadka Somaaliyeed, (J) inay cabburiyaan codadka midnimo raadiska oo ka soo yeeraya shacabka ku dhaqan Gobolada Waqooyi (Somaliland), iyo (X) in fagaare ay joogaan diblomaasiyiin reer Galbeedka ay labada dhinac ku wadahadlaan.
Waxaa xaqiiqo ah in dhammaan qaabaynta siyaasadda (policy design) ee ay degsadeen Maamulka Somaliland u shaqaysay.
Madaxweyne Farmaajo waxuu oggolaaday in (1) in ay labada dhinac isku soo horfadhiistaan gogol aysan fadhin Turkey, oo lagu tiriyo saaxiibka midnimada, (2) ergada matalaysa Dowladda Soomaaliya aysan ka mid noqon shaqsiyaad ka soo jeeda Somaliland. Qodobka dambe waxuu faa’iido u yahay Maamulka Somaliland, maadaama aysan cid ka soo jeedda Waqooyiga oo diidan kala go’a fadhin miiska wadahadalka.
Ergada Somaliland ee ka qayb gashay wadahadalka Istanbul, iyo Jabuuti waxay marwalba xusayeen, gaboodfalkii uu Taliska Siyaad Barre u gaystay shacabkii ay SNM-ta matalaysay. Balse waligood ma aysan soo hadal qaadin Jabhadii SNM xadgudubyadii xuquuqda aadanaha ay u gaysatay Shacabka Waqooyi ee Midnimada aaminsanaa.
Sheikh Xassan Daaheye ayaa sheegay in markii Jabhadii SNM-ta soo gashay Magaalada Borama sanadii 1991, inay 16 saacadood gudahooda ku dishay 764 qof oo shacab ah, waxaana ka mid ahaa, walaalkii, walaashii oo xaamilo ah, iyo seeddigii.
Maamulka Somaliland waa maamulka keliya ee Soomaaliya ka jira, oo ay jiheeynta siyaasaddiisa gacanta ku hayaan saraakiishii hoggaaminaysay jabhadihii la dagaalamayay nidaamkii kaligii taliska ahaa. Tani waxay adkaynaysaa in si fudud meesha looga saaro hadafkii ay xambaarsanaayeen SNM.
Diblomaasiyiin iyo ilo-xog’ogaal ah, ayaa xaqiijinaya in labada dhinac ay u socdeen wadahadallo hoose, ugu danbeenna suurtoggal ka dhigtay in la is-horfadhiisto. Taas waxay ergada Villa Soomaaliya siisay inay sii ogaadaan sharuudaha uu Mudane Biixi wato, taasoo ah in la dhaqangeliyo labo qodob ee horay loogu heshiiyay. Waana sababta keentay in Wasiirka Dastuurka, iyo Garyaqaanka Guud ka mid noqdaan ergada xukuumadda, si qodobbadii horay loogu heshiiyay loola noqdo Dastuurka, xeerarka ilaalinaya midnimada Soomaaliya.
Waxaa xaqiiqo ah in Xukuumadda Soomaaliya ku adag tahay hirgelinta labada qodob, islamarkaasna sharuudda Maamulka Somaliland ugu weyn tahay in ergada Muqdisho ixtiraamaan qodobbadii horay u saxiixeen Mudane Sheikh Sharif iyo Mudane Xassan Sheikh.
Indheergarad badan ayaa ku talinaya in wadahadalka u dhaxeeya labada dhinac, laga qayb geliyo Culamada, Odayaasha dhaqanka, iyo Waxgaradka labada dhinac, si loo helo xal-waara.
Haddabba su’aasha wakhtiga ka jawaabi doonno ayaa ah, dib u soo noqoshada Dagaalka Qabow ee Dunida ma badbaadin doonaa Midnimada Soomaaliya?
W/Q Saciid Cabdisalaam
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com