Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay taalada Daljirka dahsoon (Daawo Sawirro)

Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Boqollaal shacab ah oo ay ka muuqato farxadda Xuska 60-Guurada Xornimada iyo Midnimada ayaa Madaxweynaha kula dabbaal degay Taallada Daljirka Daahsoon oo astaan u ah maamuuska iyo qiimeynta Halyeey kasta oo Soomaaliyeed oo naftiisa iyo nolashiisaba u hura difaaca iyo hormarinta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidamada Baambayda ay ku maamuusayeen heesta Calanka iyo Astaanta dalkeenna.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Daljirka Daahsoon waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Garawe

Cabdi Cade

Laami kuyaala Muqdisho oo isku bedelay wabbi oo kale !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Booliska Muqdisho oo qabtay Bajaaj lagu waday Maandooriye kala duwan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---