Kowda July waxey u ahayd Soomaalida astaan xoriyad iyo midnimo, waxaana helitaankeeda loo soo maray Naf-hurid, dhiigbax, maalgelin maskaxeed iyo mid maal, waana maalin ay jiilasha Soomalida fac ka fac ay xusayaan hibadaas ay ku soo simeen dhaxalka wanaagsan oo ay awooweyaashood soo gaarsiiyeen, uguna reebeen fariin ay ku dalbadeen in lagu qabyo tiro wixii ka dhimanaa oo gaasirka ku ahaa hiigsigii hamiga Soomaaliyeed oo in badan ay ka ahayd dhantaal kala dhiman.
Dabaaldega loogu damaashaadayo xusida maalinta gobonimada waa mid lagu tusayo shacabka Soomaaliyeed xoojinta muhiimada aqoonsiga madaxbanaanida qaranimada Soomaaliyeed oo hiigsigeedu yahay midowga shanta Soomaaliyeed oo si buuxda ugu madaxbanaan siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, iyo bulsho ahaanba. Waxaa la weyneynayaa waa Soomaalinimada iyo jiritaanka madaxbanaanideeda, waxaana sanadguuro kasta lagu xusayaa waxa qaranka Soomaaliyeed ugu fadhiya qiimo qaaliya oo jiritaankeeda gelisa nolol heerkeedu sareeyo, taasoo halganka taariikhdeedii hore iyo mida la socota jiil walba dadaaladooda horumarineed siineysa abaalgudka ay ku madan yihiin qiimaha ay ku soo kordhiyeen hodontinimada qaranimada iyo wanaaga dowladnimada Soomaaliyeed.
Mudane MW Farmaajo iyo Mudane RW Kheyre ma aysan sameyn muuqaal ku haboon oo cabiraya muhiimada qiimaha weyn ee ka turjumaysa waxyaabaha loogu dabaaldegayo maalinta xoriyada ee kowda July oo qasadka xusideedu ay maalinkaas tahay tusida ummadda horumarka inta badan quseeya heerka laga gaaray sare u qaadida xuquuqda iyo xoriyada muwaadinka, iyo midnimada guud ee shacabka iyo dhulalka degaanada Soomaaliyeed. Taas bedelkeeda waxey maalinta xoriyada siiyeen muuqaal sawirkeedu uu yahay mid ah dabaaldegii 21 Oktobar oo caalamka loogu muujinayo dhaqan ay asal iyo isirba u leeyihiin kalitalisnimadu, taasoo lagu soo bandhigayo gaardis ciidan oo cid walba og tahay taagdaradoodu inta ay la eg tahay, kuwaasoo tabartoodu ku xoog badan tahay u adeegsiga caburinta iyo cadaaweysiga shacabka rayidka ah.
Wakhtigan adag ee xalaada Soomaaliya ay mareyso ayeey waxey madaxda DF rabaan muujinta xooga awoodooda ay wax ku boobi karaan iyo dholotus weyn oo ay isku xayeysiiyaan, uguna dirayaan mucaaradkooda fariimo hanjabaada, iyaga oo weliba iska indhotiraya iney yihiin musharixiin xilkasnimadoodu tahay dhigista xaflado waaweyn oo ay isamaanid dhoolatus ugu sameystaan, cadowtooyo iyo naceyb gaamursadey oo ay u qabaan mucaaradka iyo saxaafadda xorta ah, iyo abaabulida lagu abuurayo kooxo sameysa olole loogu guulwadeynayo oo wadaniyad been abuura dadka loogu beerlaxawsanayo, taasoo lagu dhabarjebinayo wadaniyiinta ay daacada ka tahay jaceylka wadankooda.
Farmaajo iyo Khayre ma waxey ka rabaan shacabka Soomaaliyeed iney ku qanciyaan iney la weyneyaan hogaan xumadooda dalka u horseeday fashilka, caburinta ay shacabka ku dulsaareen culaab ay noloshooda ku ciqaabeen, Ku guuldareysiga iney dhegeystaan talooyinka ay dadku ku cabirayaan ra’yiga rabitaankooda, Siin bila’aanta shacabka fursado ay iskood isku maamulaan oo kheyraadkooda ku hodontoomaan, iyo kicinta dhaqdhaqaaqyo colaadeed oo hadal hayntoodu soo kordheyso. Shacabka Soomaaliyeed waxey labadan hogaamiye in ku filan ka barteen iney yihiin kuwo aan isku kalsooneyn, taas oo ay astaan muuqata u tahay iney isku wareejiyeen lataliyeyaal liita si ay naftooda u dareen siiyaan iney yihiin kuwo awood badan, laakiin shacabka waxey ogsoon yihiin kartidarradooda, maxaa yeelay iyaga iyo kooxaha ay soo xusheenba waxey qaadeen tilaabo walba oo ay ku haystaan awooda iyagoon rabin iney marnaba la wadaagaan saamilayda dowladwadaaga kula ah maamulida siyaasadda dalka.
Habdhaqankaas ay madaxdaas ku doonayaan wax walba iney keligood isku koobaan waa mid looga dayanayo qaabkii hogaankii kelitalisnimada ee Janaraal Maxamed Siyad Barre (AUN), taasoo falageyneysa maamulada dalka, dadkana gaarsiineysa meel aad u fog oo aan ka soo noqosho lahayn oo dareenkooda geliya kacdoon ay ku ridaan madaxda dowladda, taas oo soo xusuusisa halgankii dhiiga badnaa oo ay isaga xoreeyeen xukunkii kelitaliska milateriga. Shacabka Soomaaliyeed maddaxda hadda jirta ugama muuqato fikradihii qiimaha badnaa ee wadaninimo, kuwaasoo udub dhexaad u ahaa xusida maalmaha gobonimada, waxeyna hadda dadku isweydiinayaan sida ay suurtogal ku tahay inaan ku jirno madaxbanaani siyaasadeed, iyadoo ay si cad u muuqato talowadaaga aan kula jirno isbaheysiga ay Itobiya madaxda ka tahay.
Fadlan Md Farmaajo iyo Md Khayre naftiina xasuusiya in maalmaha xoriyada Soomaaliyeed aysan gelin olole musharaxnimo oo xoogag Itobiyan iyo Eriteriyaan ah loogu tusiyo shacabka Soomaalida iney yihiin walaalahood kala qeyb qaadanaya u dabaaldegida gobonimada Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed horay ayey u soo arkeen xaflado lagu wayney siinayo qiimaha madaxtinimada hogaamiyenimo iyo riyooyinkeeda dhalanteedka ahaa oo ugu dambeystii sababtay burburka qaranimada Soomaaliyeed kadib marka ay ku baraarugtey xaqiiqda runta ah oo dadku ay ku doonayeen iney isaga tuuraan xukun xumadeeda, dibna u soo hantiyaan xoriyadooda iyo ismaamulida madaxbanaanidooda.
Xoriyad iyo midnimo loo damaashaado ma hayno, shacabkana waxaa meel walba ka haysta indhaha kamarada wax caburisa iyo taangiyada Itobiya oo midnimada shacabka dul degen. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u soo gudbinayaa wadaniyiinta Soomaaliyeed ee dhabta ah oo awooweyaashood nafta, dhiiga , iyo maalkaba u soo hureen halgankii ay ku soo dhiciyeen doonista gobonimada Soomaaliya iyo sida maanta awood jaceyl kelitalisinmo awgeed gobonimadii Soomaaliya gacanta loogu geliyey Itobiya.
Waxaa qoray: Saciid Ciise Max’uud
Maine, Texas, USA
F.G: Qoraalkan wuxuu u ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online.