Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax miino nuuca dhulka lagu aaso lala eegtay gaari uu la socday sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan booliiska ka howlaga saldhiga degmada Dayniile.

Qaraxan ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Haanta dheer oo katirsan degmada Dayniile, waxaana qaraxa la doonayay in lagu dilo sargaalkan katirsanaa ciidanka booliiska balse la sheegay in uu ka bad baaday.

Goobjooge ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa noo sheegay in qaraxa uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana dadka waxyeelada soo gaaray u gurmaday gaadiidka gurmadka deg dega.

Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, mana jiro wax faah faahin ay saraakiisha ka bixiyeen qaraxan miino ee goordhaw ka dhacay degmada Dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Safiirka Qadar u jooga Somalia oo gaaray Kismaayo iyo Ujeedka socdaalkiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Khayre oo Kismaayo kaga qeyb galay Daahfurka Mashruuca ILED (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar ka fulisay gudaha Kenya iyo Faah faahino kasoo baxaya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---