Wararka aan ka heleyno xarunta Villa Hargeysa oo si KMG ah ugu shiraan Xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegaya in uusan wali furmin kulanka Golaha shacabka oo maanta miiska saaran yahay mooshin xasaasi ah.
Xildhibaano badan ayaa gudoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin ay ku dalbanayaan in gobolka Banaadir laga siiyo aqalka sare 13-kursi, waxaana kulanka xildhibaanada maanta yeelanayaan qeyb ka ahaa ajandaha mooshinkaasi si cod loo galiyo.
Xildhibaano u badan kuwa kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa olole xoogan u galay sidii loo meel marin lahaa mooshinka xildhibaanada gudbiyeen ee lagu doonayo in Aqalka sare laga siiyo gobolka Banaadir 13-kursi.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in meel marinta mooshinkan kasoo horjeedaan qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolada qaar kuwaa oo ka biyo diidsan in matalaada ka mug weyn maamul goboleedyada la siiyo gobolka Banaadir.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal uu doonayo in ajandaha kulanka maanta laga saaro cod u qaadista mooshinka ay Xildhibaanada gudbiyeen .
Gudoomiye Maxamed Mursal ayaa la sheegay in uu doonayo in arintan loo saaro guddi gaar ah si ay sharciyad uga soo saaraan qodobkan, waxaana la sheegay in gudoomiyaha ka cabsi qabo in mooshinkan buuq ka dhax abuuro xildhibaanada golaha shacabka.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com