Allbanaadir.com
NEWS

Nin hal maalin gudaheeda ku taajiray iyo Warbaahinta oo hadalkeesa nasiibkiisa !!(Sawirro)

Nin u dhashay dalka Tanzaaniya ayaa si lama filaan ah maalin gudaheeda ku noqday taajir , kadib markii uu helay labo dhagaxaan oo qaali ah oo lagu iibsaday lacag gaareysa Malaayiin Dollar.

Saniniu Laizer , ayaa dhagxaantan qaaliga ah ka helay Waqooyiga dalka Tanzaaniya oo la sheegay in ay tahay goobta kaliya ee laga heli karo dhagxaantan qaaliga ah, waxaana ninkan labada dhagax uu helay ku noqday taajir aan horey loo aqoon.

Ninkan ayaana dhagxaantan qaaliga ah uu helay kaga iibsaday 3.4 malyan oo doolar  wasaaradda macdanta ee dalka Tanzaaniya, waxaana ninkan durbo telfoon kula hadlay una hambalyeeyay Madaxweynaha Tanzaaniya.

Ninkan maalin taajirka ah oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lacagtan uu helay qaar kamid ah ku dhisi doono iskuulo sidoo kale ku furi doono xarun weyn oo laga dukaameesto.

Warbaahinta caalamka ayaana si weyn u hadal heysa ninkan maalin taajirka ah ee sida lama filaan ah magaciisa ku baahay kuna helay lacagta badan, waxaana dadka qaar ninkan ku tilmaameen nin aad u nasiib badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Madaxeedkii AU oo ka furmay Addis ababa & Farmaajo oo ka qeyb galaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska oo ka hadlay rag katirsanaa Al Shabaab oo lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo saxiixay amar Maraykanka looga mamnuucay shirkado caan ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---