Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku dalbatay inaan la meel marin sharciyo iyo xeerar aan waafaqsanayn Dastuurka Dalka isla markana heshiis ayna ka gaarin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
Waxay taageero uu muujiyeen qoraalkii shalay ka soo baxay gudoomiyaha aqalka sare ee sheegayey in lagu been abuurtay xeerarkii afarta ahaa ee ay soo saareen guddiga wadajirka ah ee labada aqal kuwaasoo lagu dhameystirayey sharciga doorashooyinka Qaranka.
Hoos ka akhriso qoraalka Jubbaland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com