Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo shir ku Martiqaaday Madaxda dowlad goboleedyada & G/Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.

Madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ayaa horey u diiday iney yimaadaan magaalada Muqdisho, sababo la xiriira iney kalsooni ku qabin dowlada sida ay sheegeen, iyagoo doonaya in goob kale oo dhexdhexaad ah lagu qabto shirka sida Gaalkacyo ama Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amaano Quran Online oo fursad qaali ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed iyo Caruurtooda

Cabdi Cade

Shirka Dhusamareb 3 oo la xagal daaciyay, qalalaasena madaxa la galay (Fashil Siyaasadeed)

admin

Rooble oo ka hadlay Qoraalkii Farmaajo iyo Ciidanka xafiiskiisa la wareegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---