Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Max’ed (Ameriko) oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti G/Sare C/llaahi Cabdi Faarax.

Labada Taliye ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen, xoojinta xiriirka labada Talis ka dhaxeeyo, isdhaafsiga khibradaha dhanka ammaanka ku saabsan, kordhinta tababarada Jabuuti siiso ciidamada Dowladda Soomaaliya, in la iska kaashado sugida nabadgelyada si wadajir ah iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameriko ayaa kulankan waxaa ku wehlinayey Taliyaha Hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska S/guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Saraakiil kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaair.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fanaan caan ah oo geeriyooday isagoo Masraxa ka heesaya

Caydiid Ali

Ciidamo gurmad ah oo gaaray Magaalada Boosaaso iyo Khasaaraha dagaalkii maanta

Caydiid Ali

Rooble oo sheegay in dilka Xildhibaanad Aamino iyo Weerarkii Xalane ay isku xiran yihiin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---