Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada Somalia oo la fasaxay iyo sababta ka dambeysa

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ogeysiisay Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo kuwa Hay’adaha gaarka ah in maalinta Sabtida ah oo ay taariiqada tahay 27  bishan Juun ay ka fasaxan yihiin shaqooyinka.

Arrintan ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada maanta oo arbaco ah.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargelineysaa dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay Shaqaalahooda inay tahay fasax maalinta Sabtida ee ku aaddan 27 June 2020, maaddama ay ku beegan tahay maalinta ka horreysa ee Jimcaha xuska qaran ee 26ka June, xorriyaddii gobolladda Waqooyi ee sannadkii 1960″ ayaa lagu yiri qoraalka Wasaarada.

Inta badan shaqaalaha rayidka ah ee ka howlgala heyadaha DF ayaa ku maqan fasax la siiyey 3 bilood ka hor sababo la xiriira cudurka COVID-19 awgeed, waxaana xarumaha dowlada ka howlagalayey shaqaale tiradoodu kooban tahay oo loogu talo galay socodsiinta howlaha muhiimka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Wasiirka amniga Soomaaliya kala hadlay dhigiisa Bratislav Gašić (Sawirro)

Caydiid Ali

Iran oo rakibatay nidaamka casriga ee difaaca cirka & Ruushka oo..

Caydiid Ali

Xaamud Samraan Al Xuweyti oo ku geeriyooday Muqdisho iyo Dowlada oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---