Bangiga Aduunka ayaa ansixiyay in dowlada Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 55 milyan Dollar oo Caawimaad , lacagtan ayaana loogu talagalay kambka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Lacagtaan Deeqda ah Soomaaliya ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee ku talaabsatay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay.
”Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna Shacabka iyo Ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Xukuumada Soomaaliya ayaa ku guuleesatay in ay buuxiso shuruudihii deyn cafinta oo haatan maraya marxaladihii u dambeeyay, waxa ayna taasi sahasahy in dowlada Soomaaliya loo ogolaado in la siiyo lacago cusub.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com