Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo saakay magacaabay Taliyaal ciidan (Akhriso)

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda.

Waxaa isla wareegto kale loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka, waxa uuna u rajeeyey in Eebe uu u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtooyinka Madaxweynaha oo salka ku haya dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo baxday Talaado, taariikhduna ay ku beegnayd 23ka, Juun 2020, waxa ayna ku dhaqan gelayaan Faafintq rasmiga ah

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Goobta & Hotelka uu ka dhacayo kulanka la wada sugayo ee Trump & Kim John-un

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii Iskoolo Buluusiyo & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---