Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Gudoonka cusub ee Golaha shacabka oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddiyada joogtada

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta la kulmay qaar ka mid ah guddiyada joogtada ee golaha shacabka.

Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta guddoonka iyo guddiyada joogtada ee Villa Hargeysa.

Guddiyada uu la kulmay guddoomiye Maxamed Mursal ayaa waxaa ka mid ah guddiga difaaca ee golaha iyo guddiga dib u heshiisiinta.

Waxa ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta guddoomiyaha cusub iyo guddiyada joogtada.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleyn sidii loo dardar gelin lahaa howlaha muhiimka ee golaha horyaalla iyo sidii hala dhinac loogu noqon lahaa hormarinta golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa warbixin la xiriirta shaqooyinka guddiyada iyo howlaha hada horyaalla ka dhageystay masuuliyiinta guddiyada.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyadii uu la kulmay kula dardaarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa wasaaraha ay shaqo wadaagayihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaair.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tareenka ugu dheer Adduunka oo 175 jirsaday iyo Waxyaabaha uu dadka kusoo jiitay!

Cabdi Cade

Guriga Gudoomiyaha golaha shacabka oo laga jaray biyaha iyo Cuntada

Cabdi Cade

Maleeshiyaad Hubeesan oo Istaajisay howlihii shaqo ee ka socday Dekadda Hobyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---