Allbanaadir.com
NEWS

Qarax gaari oo goor dhow Muqdisho ka dhacay & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa ka dhacay goor dhow qeybo ka mid ah degmada Shibis ee gobolka Banaadir, kaasoo laga maqlay xaafadaha degmadaas iyo degmooyinka ku dhow.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay agagaarka xaafada Maanabooliyo, waxaana la sheegay in gaarigiisa loogu xiray Nin Magaciisa lagu sheegay Cabdalla Axmed Cabdalla kuna magac dheeraa (Shiikh Nuur Codey).

Ninka gaariga qaraxa loogu xiray oo isla goobta ku dhintay ayey goob joogayaal sheegeen inuu ka mid ahaa Jaaliyadda Yemen ee ku dhaqan  degmada Shibis.

Lama oga sababta qaraxan loogu xiray gaariga uu watay ninkan ka tirsanaa Jaaliyada Yemen, balse ciidamada amaanka dowlada Somalia oo gaaray goobta ayaa wada baaritaano la xiriira qaraxan.

Dad isugu jiray Masuuliyiin, saraakiil, ganacsato, weriyeyaal iyo qaar kale ayaa horey loogu dilay qaraxyo loogu xiray gaadiid ay wateen, waxaana intooda badan sheegtay Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaair.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo War ka soo saartay dagaalkii ay saaka la galeen Liyu Boolis

Caydiid Ali

Xildhibaan Maxamed Nuur Shekh Cadde oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay

Cabdi Cade

Qorshe xilka looga qaadayo Jen Odawaa oo socda iyo Xog ku aadan cida ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---