Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Odawaa oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Xerada Turki-Som

Waxaa saakay nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ku qarxay afaafka hore ee xerada ciidamada Turkiga ku leeyihiin magaalada Muqdisho, kadib markii ninkaasi laga shakiyay kadibna la toogtay.

Ninka waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa doonayay in uu isku dhax qarxiyo dhalinyaro wax baratay oo loo qaadanayay Leyli sargaal oo safaf dheer ugu jiray in ay galaan xerada Milatariga ee Turki-Som.

Inta la xaqiijiyay qaraxan ismiidaaminta ah ee ciidamada fashiliyeen waxaa ku dhintay labo qof oo mid kamid ahaa ardaydii dooneysay leyliga sargaal halka midka kalana uu ahaa qof shacab oo firirka qaraxa ku dhax dilay gurigiisa oo xerada ku dhawaa.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odaywaa Yusuf Raage ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay toogteen ninka qaraxa isku soo xiray oo ay ka shakiyeen markii u hoggaansami waayay awaamiirta ciidamada ilaalada Saldhigga.

“Qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay kahor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda ” ayuu yiri Gen Odaywaa.

Xerada milatariga Turkiga ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa inta badan lagu tababaraa saraakiisha iyo ciidanka kala duwan ee dowlada, waxaana xeradan ku xareesan dhalinyaro badan oo doonaya in ay kamid noqdaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo xaflad Sagootin ah loogu sameeyay magaalada Lusaka (Sawirro)

Cabdi Cade

Xiisad weli ka taagan lacag ay dirtay Dowladda Soomaaliya & hub aan caadi aheyn oo la qabtay

admin

C/raxmaan C/shakuur oo dhaliilay safarka Madaxweynaha Somalia ku tagayo Itoobiya”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---