Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Haramcad oo howlgal qorsheesan ka fuliyay duleedka Balad Xaawo (Sawirro)

Ciidamada Haramcad ay wehliyaan Ciidamada Nabad sugida ayaa shalay howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaano kuyaala duleeda degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo halkaas oo fariisimo ku lahaayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalka ay fuliyeen Ciidamada Haramcad iyo NISA  ayaa sheegay in ay bur buriyeen fariisimo Al Shabaab ku lahaayeen Tuulada Caracase oo qiyaastii 30km u jirta Degmada Balad xaawo.

Taliyaha Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa sheegay in howlgalkan ujeedka ay u fuliyeen uu ahaa sidii ay dadka uga dulqaadi lahaayeen dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna xusay in ay tagi doonaan goob walbo ay joogaan Al Shabaab.

Ciidamada Haramcad ee ku sugan degmada Balad xaawo ayaa halkaasi loo geeyay sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen dagaalkii looga soo horjeeday ciidanka uu hogaamiyo Cabdirashiid Janan oo dagaal looga saaray duleedka Balad Xaawo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo daqiiqadihii ugu dambeyay dib u dhigay fulinta qisaasta nin Kenyaan ah

Cabdi Cade

(Sawirro) Haween Nool oo 5 cisho ka dib laga soo saaray burburka dhulgariirka Turkiga

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw Booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka …

Cabdi Cade