Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo go’aan kama dambeys ka soo saaray waajibaadka Xajka ee Sanadkan

Boqortooyada Sacuudiga ayaa go’aan kama dambeys ah ka qaadatay gudashada Xajka sanadkan, iyadoo lagu jiro xilligan xaaladda ka dhalatay cudurka Coronavirus ee dunida kala xiray.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Xajka Sacuudiga ayay ku caddeysay in xajka sanadkan ay ka qeyb qaadan doonaan Muslimiinta kasoo kala jeeda dalalka Islaamka ee ku nool dalka Sacuudiga gudihiisa oo kaliya, iyadoo lagu dhaqmayo tallaabooyinka looga hortegayo faafida cudurka Coronavirus.

Sida ka muuqata go’aankan dad aad u yar oo ku nool Sacuudiga ayaa lagu soo koobay Xajka sanadkan, waxaana dal kasta muwaadiniinta ka jooga Sacuudiga laga qaadan doonaa tiro kooban si xajkiina loo muujiyo, loogana hortago cudurka Coronavirus.

Sacuudiga ayaa Bishii Maarso joojiyay fiisooyinkii cumrada, waxaana la xiray xaramka iyo masaajidda dalkaasi cudurka Covid-19 awgiis, iyadoo wasiirka Xajka Sacuudiga Mohamed Salah uu dadka muslimka ah ugu baaqay inaysan wax tallaabo ah u qaadin dhinaca Xajka.

Dalka Sacuudiga oo ay ku yaallaan goobaha barakeysan ee Islaamka ayaa waxaa sanad kasta xiligan oo kale gaari jiray dad gaaraya 2.5 Milyan oo qof oo ka kala socda in ka badan 150 dal oo dunida ah, si ay u gutaan waajibaadka Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Muudey oo sheegay in Mooshinkii laga gudbiyey Jawaari uu sidiisii u taagan yahay (Akhriso)

Caydiid Ali

Waare & Wakiilada beesha caalamka oo ka wada hadlay afar qodob (Akhriso)

Caydiid Ali

Dib u dhis iyo Casriyeyn lagu sameenayo Xarun Degmo oo kutaala Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---