Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada Caafimaadka DF oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee COVID-19

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahisay wararkii ugu dambeeyay ee cudurka Covid-19 ee gudaha dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalka laga helay 33 kiisas cusub oo Coronavirus ah.

Meelaha laga helay ayaa kala ah Somaliland:7, Puntland: 21, Galmudugna 5 kiis ayaa laga diiwaan geliyey, iyadoo gobolka Banaadir aan laga helin kiisas cusub oo la xiriira cudurkan sida ku xusan qoraalka Wasaarada.

Wasaaradda ayaa sheegtay in cudurka 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka bogsadeen 36 ruux taasoo tirada guud ee bogsashada ka dhigeysa 818, halka dhimashadu ay mareyso 90 qof.

Wadarta guud ee tirada Covid-19 laga helay guud ahaan dalka ayaa gaartay 2,812 waxayna u muuqataa in cudurka uu haatan ku socdo marxalad gaabis ah ah dalka oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo & Madax kale oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha KG (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka dhigan tahay iscasilaada guddigii doorashooyinka Maamulka K/Galbeed?

Caydiid Ali

Maareeye oo eedeyntii ugu horeysay u jeediyey Xukuumada Raisul Wasaare Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---