Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay Ciidan shalay Magaalada Muqdisho gadood uga sameeyay mushahar la’aan, kuwaasoo ka howl-galayay gobolka Shabeellada dhexe,
Jen. Odowaa ayaa sheegay in Ciidanka qalabka sida ay qaateen mushaharkoodii balse ay jiraan Ciidamado kooban oo aan tirokoob marin iyo kuwo ay cilado farsamo ka yimaadeen diiwaan-gelintoodii oo aysan lacagtii gaarin.
Waxaa uu intaa ku daray taliyuhu in xalinta tabashada ciidankaas lagu hayo gacanta, ayna heli doonaan xuquuqdooda marka ay maraan habka diiwaan gelinta iyo xaqiijinta tirakoobka ciidanka xoogga.
Dad badan oo ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa la yaabay ciidamada gadoodka sameeyey oo sheegay iney ka cabanayaan mushahahar la’aan, maadaama madaxda DF ay ku celiceliyaan iney bil walba si joogta ah u bixiyaan mushaharka ciidamada iyo shaqaalaga kale ee DF.
Dowladda ay majaraha u Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay oo muddo 20 sano ah si toos ah u bixisa xuquuqda Shaqaalaha Rayidka iyo Ciidamada kala duwan ee dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com