Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo Dacwad kusoo oogeysa xubno uu ku jiro Cali Geedi iyo Sababta keentay

War saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu beeniyay diwaangalinta & Sharciyadsiinta Jaamacadda United Nations Academy of Somalia  uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Qaramada Midoobay Warka kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay dacwad sharci ah ka gudbineyso dadka magacooda ku been abuurtay, waxa ayna Dacwadan saameyn doontaa xubno uu ku jiro Cali Geedi oo aas aasay Jaamacadan Onlinka wax looga barto.

Halkan ka Akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Qaramada Midoobay

Iyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’

Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

‘UNAS’ ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo markiisa qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Talo iyo Tusaaleyn siyaasadeed oo ku socota qaarka ka mid musharaxiinta Madaxweyne

Cabdi Cade

Hadal hayn xooggan oo ka dhalatay kulankii Kheyre & Xildhibaanada Mucaaradka

admin
Taboola Ads ---