Allbanaadir.com
NEWS

Dal bilaabay in uu gubo meydadka Muslimiinta u geeriyooto cudurka Caronavirus

Muslimiinta kunool dalka Sri Lanka ayaa si weyn uga carooday in dowlada si qasab ah ku gubto meydadka dadka Muslimiinta ah ee la sheegay in ay u geeriyoodeen cudurka Caronavirus.

Dowlada Sri Lanka ayaana lagu eedeeyay in dadka Muslimiinta laga tirada badan yahay ay cadaadiso, waxa ayna saraakiisha dalkaasi maamusha amreen in la gubo meydadka dadka u dhinta cudurka Caronavirus ay ku jiraan muslimiinta.

Mohamed Shafeek oo kamid ah Muslimiinta kunool dalka Sri Lanka ayaa warbaahinta u sheegay in xaaskiisa oo geeriyootay lagala baxay xubno jirkeeda kamid ah kadibna la gubay iyada oo lagu wargaliyay in ay u geeryootay cudurka Caroanavirus.

Waxa uuna ninkan isweediiyay sababta haweeneydan geeriyootay loogala baxay xubno muhiim ah oo kamid ah jirkeeda hadiiba ay u dhimatay Cudurka Caronavirus, waxa uuna xusay in wiilkiisa lagu qasbay in uu saxiixo warqad lagu gubayay meydka hooyadiis.

Dalka Sri Lanka oo kamid ah wadamada lagu dhibaateeyo Muslimiinta ayaa noqday wadanka kaliya ee ilaa hada la xaqiijiyay in lagu gubay dad Muslimiin ah oo u geeriyooday cudurka Caronavirus.

 W/Q Hassan Abdulle Noolow

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqayaad kutaala Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la guddoonsiiyay Billad Sharaf aad u sareysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

NISA oo qabtay Ganacsadihii Al Shabaab hubka uga soo iibin jiray Shiinaha iyo Dalal kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---