Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed (BFS) oo furmay June 6, 2020 wixii ka dambeyey waxaa dalka soo wajahay dabeylo isbeddel wata oo siyaasaddii cakiraneyd ee Soomaaliya malahaa xal u noqon doona. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa talo ku soo jeediyay in June 25, 2020 xukuumadda iyo maamul-goboleedyaduba isugu yimaaddaan shir lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya darfaha.
Falanqeeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa ku doodaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay seegtay fursad kaddib markii uu ka gaabiyay inuu xildhibaannada u soo bandhigo qorshahiisa xallinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeya xukuumada iyo maamul-goboleedyada qaarkood, taas oo ka mid ahayd arrimaha sida weyn looga sugayay.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in, “qabashada doorasho federal ah ay u baahan tahay wada tashi degdeg ah oo ay isugu yimaaddaan dhammaan madaxda xukumadda, baarlamaanka iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federalka.”
Xuddunta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumada iyo maamul-goboleedyada ayaa u baahan in la caddeyo (fasiraad ama qeexid) nooca federalka uu dalka qaadanayo, iyadoo xukuumadda ay qabto aragtida ah “dowlad dhexe oo awood leh,” halka madaxda maamul-goboleedyadu ay ku doodayaan “nidaam baahsan oo awood wadaag ah (a more decentralized system of power sharing).
Haddaba, aanu isweydiinee yaa kala bixinaaya xukuumadda iyo maamul-goboleedyada haddii aysan jiri maxkamad shaqo ku leh?
Talada uu soo jeediyay Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaa ka dhashay durbadiiba walaac ku aaddan maqaamka uu Mudane Axmed Maxamed Islaam-Madoobe uga soo qayb geli doono wada xaajoodka, maadaama doorashadiisa aysan aqoonsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DFS.
Si kastaba ha ahaate, arrinta waxaa kala furdaamiyay DFS kaddib markii ay u tanaasushay muddane Axmed Maboobe una aqoonsatay inuu yahay madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland muddo labo sanadood ah laga bilaabo dhammaadkii xilfadhigiisii hore. Arrinka Mudane Madoobe waxaa muuqato in dowladda Kenya ay dhiig-miirasho (exploitation) ku sameynayso nuglaanta Soomaaliya iyadoo u dhaqmeysa sidii guumeyste amase dowlad quwad badan oo aan ixtiraameyn qaranimada Soomaaliya.
Baaqay wadahadaladda mudane Cabdi Xaashi waxuu u muuqdaa fursad lagu badbaadin karo dowladnimada dalka loogana gudbi karo siyaasadda cakiran (awood qaybsiga nidaamka federalka), walow fududeynta doodaha wax dhisaya aysan noqon doonin caqabad yar (sahlan). Wada xaajoonka mowqifka Puntland ayaa u baahan tanaasul iyo u turid shacab oo labada dhinac ka timaad si loo gaaro himiladda qaran ee ku dhisan midnimo quwad leh.
Khilaafka khaliijka waxuu khatar hor leh ku kordhiyey xasilloonidarrada dalka. In muddo ah arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa faraggelin toos ah ku hayay dalka Imaaraadka, kaas oo kalsoonidarrada xukuumadda iyo madaxda maamul-goboleedyada, gaar ahaan Somaliland iyo Puntland sii xumeeynaya.
Inkastoo tillaabooyin horumar leh lagu gaaray doorashooyinkii dadbanaa ee 2012 iyo 2016, haddana dalku ma dhisan maxkamad dastuuri ah oo dib loogu noqdo taas ayaa u fududeysay shisheeyuhu inuu sidii uu doono u walaaqo siyaasadda gudaha Soomaaliya oo xasaasiyad qabiil aysan ka marneyn.
Rajadu waxay tahay in shirka ay dhexdhexaadinayaan xildhibaanada Cabdi Xaashi uu garhayeenka u yahay ka soo baxaan tillaabo wax ku ool u ah wadashaqeynta dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada xilli midnimada Soomaaliya looga doodayo Jabuuti. Soomaali ayaa horey u tiri, “Dudun dareynsi iyo dugaalsi ma wada laha.”
Xigasho Jamhuuriyadda
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com