Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharci cusub, Maareeyana u magacaabay Hay,adda Duulista

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan, wuxuuna Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan la yeeshay guddiga heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha (Sawirro)

Cabdi Cade

Khayre oo la kulmay Xildhibaannada Soomaalida ee ku jira Baarlamaanka Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade

Ragga iyo Dumarka Soomaaliya Midkee badan? Warbixin cusub oo la soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---