Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia: Tirada dadka u dhintay & kuwa ka bogsaday COVID-19 oo sii kordhay

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 31 qof oo cusub,  taasoo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 782 qof.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 24 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 15, Puntland 6 iyo Gobolka Benaadir oo 3 ah taasoo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,779.

Bukaannada cusub 18 ka mid ah waa rag, 6-da kalena waa haween. waxaana u dhintay labo qof oo kale taasoo tirada dhimashada ka dhigtay 90 qof dalka oo dhan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku baaqday in lagu dadaalo ka hor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Britain oo xabsiga dhigtay saddex qof oo lagu eedeynayo Basaasnimo

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya oo kawada hadlay arrimo Muhiim u ah dadkeena (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Britain?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---