Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan loogu mahad celinaayay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation gurmadkii ay ka sameysay fatahaadii wabiga Shabelle uu ka geystay gobolka Shabellaha Dhexe.
Kulankaasi waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundion, Gudoomiyaha gudiga Gurmad Walaal, Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka Dowlada federaalka.
Ugu horeen waxaa madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha gudiga Gurmad Walaal Ciise Maxamed Cumar, wuxuuna sheegay inay mahad balaaran u jeedinayaan hey’ada Hormuud Salaam Foundation oo si damqasho leh uga jawaabtay baaqyadii ugu yimid dadka dhibaatadu saameysay .
Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka kana mid ahaa gudiga gurmadka Shabellaha Dhexe ee fatahaadaha Maxamed Abuukar Zubeer ayaa ka mahad celiyay garab istaagii Hay’adda Hormuud Salaam Foundation.
Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka hadlay sidii ay masuuliyad isga saareen u gurmashada dadkii uu saameeyay fatahaada wabiga Shabelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.